Golaha Ammaanka oo DF iyo dowlad goboleedyada ka dalbaday lix qodob

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka inay dib u billaabaan wada-hadallo islamarkaana ay horumariyaan wada-shaqeyntooda.

Qaraar kasoo baxay QM oo tirsigiisu yahay 2520 (2020) ayaa hoosta looga xariiqay in wada-shaqeyn buuxda oo dhinacyada dhex-marta ay horumarin doonto arrimaha muhiimka u ah qaranka, sida fulinta qorshaha amniga qaran, is-beddelo maaliyadeed, dib u eegista dastuurka iyo in doroashooyinka dalka ay waqtigooda ku dhacaan.

Golaha, ayaa ayada oo laga duulayo muhiimadda arrimahan ,waxa uu dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay:

1 –  Inay hormaur deg deg ah ka sameeyaan qorshaha kala-guurka, wuxuuna soo dhoweeyey ballan-qaadka dowladda federaalka ee ah inay dib u eegis ku sameyso qorshaha kala-guurka ka hor dhammaadka bisha September 2020.

2 – Inay qadaaan tallaabo lagu fulinayo ahmiyadaha qorshaha isla-xisaabtanka qaran ee muhiimka u ah amniga Soomaaliya, ayna go’aamadooda ku wargeliyaan taageerayaasha caalamiga ah ee qeybaha amniga Soomaaliya kadib 2021.

3 – Inay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka gaaraan qeybsiga awoodda iyo kheyraadka dalka.

4 – Inay dib u billaabaan kulamadoodii joogtada ahaa ee Golaha Amniga Qaranka, ama helaan hab kale oo beddel u noqon kara oo ay ku wada hadlaan.

5 – Inay dedejiyaan qorshaha amniga iyo kan farsamo ee doorashooyinka ayaga oo la kaashanaya Amisom, UNSOS iyo UNSOM, si loo ogolaado in doorasho qof iyo cod ah, xor ah, xalaal ah, nabad ah, daah-furan, la isku halleyn karo, loona dhan yahay, oo waqtigeeda dalka ugu dhacda daba-yaaqada 2020 iyo horraanta 2021.

6 – Inay horumariyaan islamarkaana billaabaan fulinta qorshe isku xiran oo lagu guuleysan kara oo lagu mideynayo ciidamada qaranka, islamakraana ciidamada dowlad goboleedyada loogu darayo kuwa federaalka.