DF oo xil u magacawday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xil cusub u magacawday madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey.

Maxamed Xaashi ayaa loo magacaabay Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa qoraal kooban oo soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku soo dhaweeyay agaasimaha cusub ee wasaaradda Maxamed Xaashi Carabey.

“Waxaan si diiran u soo dhawaynaynaa una hambalyayneynaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta JFS Mudane Maxamed Xaashi Carabeey” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Hilaal.

Maxamed Xaashi Carabey oo haatan noqonaya Agaasimaha cusub ee wasaaradda Batroolka ayaa ka mid ahaa musharaxiintii u tartameysay xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxuuna horay u soo noqday madaxweyne ku xigeenkii koowaad ee Galmudug.

Bilaawgii sanadkan waxaa xilka Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta isaga casilay Karaar Shukri Doomey, kadib markii ay is khilaafeen isaga iyo Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.