Kiisaska cusub ee Covid-19 & dhimashada Somaliland oo maanta markale kordhay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay inay markale sare u kaceen Kiisaska cusub ee cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd ku sheegtay inay soo kordheen 28-kiis oo hor leh, kuwaasi oo kamid ahaa 75-qof oo cudurkaasi laga baaray.

Sidoo kale wasaarada ayaa shaacisay in hal qof uu 24-kii saac ee udambeeyay uu cudurkaasi ugu geeriyooday gudaha Somaliland.

Kiisaskan cusub ayaa lagu sheegay inay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Gabiley, iyada oo ay aad u sareyso tirada kiisaska laga helay caasimada.

Wasaarada ayaa si cad u sheegtay in gebi ahaanba dadkaasi ay ku jiraan Karantiil, isla markaaana lagu hayo goobaha caafimaad ee xukuumada Muuse Biixi ugu tala-gashay in lagu baxnaaniyo dadka uu soo rito cudurkaasi.

Tirada guud ee cudurka Koronaha ee gudaha Somaliland ayaa gaartay 332-kiis oo hor leh, halka ay cudurkaasi ka bogsadeen 43-ruux, iyada oo ay u geeriyoodeen cudurkaasina 22-qof, inta la ogyahay.