Somaliland oo sheegtay in uusan suurto-galeyn qorshe ay DF rabto inay ka fuliso deegaanada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga hortimid rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in doorashooyinka dalka la gaarsiiyo deegaanada Somaliland, midaasi oo u muuqata riyo-maalmeed.

Yaasiin Faratoon, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa sheegay in marnaba aan Somaliland laga qaban karin doorasho ay waddo Soomaaliya, isagoona eedeymo culus u jeediyay xubnaha Somaliland kasoo jeeda ee ku sugan Muqdisho.

Wasiir Faratoon ayaa xubnahaasi ku sheegay kuwa aan matalin Somaliland iyo dadkeeda, midaasi oo ku tilmaamay edeb-daro iyo gaf cad oo lagula kacayo jiritaanka Somaliland.

“Waa edeb-darro iyo gef in Rag Soomaaliya jooga ay si khaldan uga hadlaan Somaliland iyo arrimaheeda, Somaliland Doorashadeeda iyo waxay qabsanayso iyada ayey u taallaa, Doorashooyinka Soomaaliya lagu qabanayaana wax haba yaraatee Somaliland ka khuseeyaa ma jiraan” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliyana Somaliland shuqul kuma leh, kuwa doonaya inay Soomaaliya wax ka noqdaan ee Somaliland dhalasho ahaan kasoo jeeda nama matalaan ee waa Rag shaqo tagay, waxay ka qabsanayaana iyaga ayey jirtaa, laakiin Ragga Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya u shaqo tagay ma matalaan, magaceegana kuma hadli karaan”.