Dacwad ka dhan ah xeerka doorashooyinka oo loo gudbiyey maxkamada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka ayaa dacwad quseysa sharciga doorashooyinka oo ay meel-mariyeey xiildhibaanada labada aqal, sidoo kalena uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) maxkamadda sare ee dalka.

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan golaha shacabka ee BFS, sidoo kalena ka mid ah hoggaanada xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jira ayaa warbaahinta u sheegtay in dacwad la xiriirta sharcigaasi ay u gudbiyeen maxkamadda sare ee dalka.

Fowsiya oo mar soo noqotay Ra’iisul wasaare ku xigeen xillihii dowladdii, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku dhufatay in qodobada qaar ee sharciga doorashooyinka qaranka ay ka soo horjeedaan dastuurka iyo shuruucda dalka, sida ay hadalka u dhigtay.

“Maxkamadda sare ee dalka waxa aan geynayay dacwad ka dhan ah sharciga doorashooyinka dalka oo uu ansixiyay BFS, markii dambana uu saxiixay Madaxweynaha, waxa aan u aragnaa in uusan sharci ahayn oo uu kahor imaanayo Dastuurka dalka, xuquuqda muwaadinka iyo hab qaybsiga beelaha” ayey tiri Xildhibaan Fowsiya Yuusuf.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in lagu deg-degay ansixintiisa, islamarkaana looga faa’iideystay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dano gaar ah laga leeyahay.

Ugu dambeyn Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa xustay inay muhiim tahay in la ilaaliyo dastuurka KMG ah ee heshiiska lagu yahay inta laga dhameystirayo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan diyaar-garow loogu jiro qabsoomida doorashooyinka 2020/2021-ka oo walaac ay ka muujinayaan xubnaha mucaaradka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.