27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Diyaarad qalab culus oo milatari kasoo dejisay Muqdisho – Dalkee ku deeqay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad xamuul oo ah nooca C-130 Aircraft, kana timid dalka Talyaaniga ayaa maanta qalab culus oo milatari ka soo dejisay magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qalabka milatari ee la keenay ayaa la sheegay inuu yahay mid ay adeegsanayaan ciidamada amniga Soomaaliya.

Hase yeeshee lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee agabkan ama in ay ku jiraan illaa 30 gaadiid dagaal oo dhawaan Talyaanigu ugu deeqday Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa Talyaaniga midkoodna weli kama aysan hadlin qalabkan milatari iyo faah-faahintiisa rasmi ah oo ku saabsan cidda si toos ah u adeegsan doonta.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga sheegay in dalkiisa uu dayacay doorkii uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo keentay in Turkiga ugu saamayn batay dal ay horay u soo gumaysteen, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka oo hadalkaasi ka jeedinayay Baarlamaanka Talyaaniga ayaa sheegay in Turkiga uu si buuxda ula wareegay kaalintii Talyaaniga ee Soomaaliya, xilli Ankara ay heshiis difaac oo ballaaran la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Turkiga ayaa haatan ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero buuxda siiyaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu qayb weyn ka qaato dib u dhiskooda.

- Advertisement -

Read more

Local News