Diyaarad sida Maxaabiis badan oo kusoo wajahan Garoonka Aadan Cadde (Tirada Maxaabiista)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga soo dajiyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo ku xernaa xabsiyada ku yaala dalka India.

Qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Maxaabiista ayaa xiligaan laga dareemayaa Garoonka Aadan Cadde, waxaana qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka.

Maxaabiista lagu wado in maanta ay soo gaaran magaalada Muqdisho ayaa tiradooda waxay gaareysaa ku dhawaad 80 Maxbuus oo Soomaali ah.

Maxaabiista oo muddo dheer ku jiray xabsiyada ku yaala dalka India, ayaa waxaa loo haystay eedeymo kala duwan, gaar ahaan inta badan waxay ku eedeysnaayen Burcad badeednimo.

Sidoo kale, soo deynta Maxaabiistan ayaa timid ka dib markii dhawaan ay heshiisyo dhanka Maxaabiista ay wada gaareen dowladaha India iyo Somalia.

Dhawaan ayey aheyd markii Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay dhalinyado Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Liibiya oo dhibaatooyin kala duwan ay ku haysatay dalkaasi Liibiya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com