Warsaxaafadeed: Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP oo cambaareeyay aflagaadadii Faysal Cali waraabe.

Ujeedo: Warsaxaafadeed Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed
Bismilaahi, Raxmaani, Raxiim
Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Maaxi waxa uu aad u cabaareeynayaa hadalkii ka soo yeeray Siyaasi Faysal Cali Waraabe kaasoo ku aadanaa hadalkii gafka iyo meel kadhaca ahaa ee uu ugeystay Wasiirka Dekedaha
iyo Gaadiidka xukuumada Federaalka Soomaaliya Marwo Maryam Aweys Jaama asagoo adeegsanaya erayo xanaf leh islamarkaana lidi ku ah hab dhaqanka suuban ee Diinteena islaamka iyo waliba Dareenka ilbaxnimada ku qotama intaba.

Asagoo udhaqmay sida cadaankii tirada yaraa ee Gumeeysiga Koonfur Afrika ee midab takoorka ku dhisnaa. Asagoo inkiraya jiritaanka Beelaha waaweyn ee ka tirsan beelaha Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa oo magac iyo maamuusba ku leh bulshada Soomaaliyeed guud ahaanteeda kuna caan baxday Bulsho Nabadeed. wax soosaara, dawladnimo jaceeyl iyo is xaqdhowr leh oo aan la inkiri karin.

Hadaba Faysal Cali Waraabe oo lagu yaqaan Siyaasi qar iska tuur ah oo jir jiroola ah oo aan lahayn mabda’ saldhig adag leh oo aan carabkiisa iyo dhagahiisa iska warqabin.

Ayadoo aan ognahay inuu qof kasta uu hadlo garaadkiisa hadana waxaan waxgaradka iyo walaalaha Soomaaliland ee sharafta leh ka codsaneeynaa inay ka fiirsadaan taageerida Faysal Cali Waraabe iyo Xisbigiisa ee cunsurinimada ku dhisan iyo gabood falka joogtada ah ee uu caadeeystay.

Anagoo u aragno inuusan lahyn biseyl Siyaasadeed iyo mid aqooneed ee lagu kasban karo
hogaamin ummadeed xiligan oo caalamka ka gudbay heyb sooc iyo cunsuriyada islaweynida ku
dhisan iyo riyo been ah.

Anaga ka xisbi ahaan waxaan Beesha Caalamka ugu baaqeeynaa ineey ka joojiso
taageerada dhaqaale aay siineeyso Faysal Cali Waraabe asaga iyo xisbigiisa.
Waxaa sidoo kale ugu baaqeeynaa in dowlada Finland ay talaabo ku haboon ka
qaado maadama uu haysto dhalashada Dalka Finland.

Isagoo ku xadgudbay qawaaniinta caalamiga ah ee ka reeban cunsuriyada iyo wixii soo raaca.
Ugu danbeeyn waxaa Gudoomiyaha iyo Gudiga fulinta ee Xisibiga SSUP ay si deg deg
ah ugu baaqayaan inuu Faysal Cali Waraabe raali gelin buuxda ka bixiyo gefkii uu u geeystay
Shaqsiyada Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Marwo Maryam Aweys Jama iyo weliba
Mushtamaca Soomaaliyeed ee uu gefka u geeystay, kana waantoobo hadalada Hadoofka ah ee had iyo jeer butuluqnimada ku saleeysan, uuna kala fahmo farqiga u dhexeeya xiriirka Siyaasada iyo midka bulshada saameeya.

Waxaan maqli jirnay Maah-maah oraneysa ”Ruuxii

magaciisa ku
deeqa ayaa Muuqiisana ku deeqa” (Waraabe)
Wabilaahi Tawfiiq Allaa wax og!

warbixinta ka akhriso bogga xisbiga : https://www.ssup.so/warar/warsaxaafadeed-xisbiga-midnimada-bulshada-soomaaliyeed/ 

Download Original Press Release in PDF –  Degso warbixinta xisbiga oo PDF ah