Xildhibaano ka soo horjeeda sugida amniga Muqdisho oo la xisaabtan ugu goodiyay XFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumada Somalia ay kula xisaabtamayaan xirnaanshiyaha waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan oo taabacsan garabyada mucaaradka ayaa sheegay in la xisaabtanka Xukuumada uu ku xiran yahay keliya furnaanshiyaha kalfadhiga baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay ku dheeraatay ka raali ahaanshiyaha waddooyinka xiran, waxa ayna ku goodiyeen inay kala xisaabtami doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ee kasoo horjeeda hanaanka loo xaqiijinaayo amniga magaalada ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay xukuumadda kula xisaabta midoonaan dhibaatooyinka heysta Shacabka Soomaaliyeed ee ah xirnaanshaha Wadooyinka.

Sidoo kale, Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Somalia uu shacabka Soomaaliyeed uu kaga baxay balankii uu qaaday ee ahaa  in wadooyinka la xiri doonin.

Haddalkaan ayaa kusoo beegmaaya xili maanta dib loo furay waddooyinka magaalada Muqdisho oo xirnaa ku dhawaad afar maalin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com