Diyaarad siday Maxaabiis laga keenay dalka India oo caawa kasoo degtay Muqdisho & RW Kheyre oo Garoonka uga hortagay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow caawa ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay Diyaarad siday Maxaabiis Soomaali ah oo laga keenay dalka India.

Maxaabiistan oo tirro ahaan la sheegay inay gaarayaan 41 Maxaabiis ayaa waxaa imaanshiyahooda Muqdisho ku wehlinaayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo iyagu ka doonay dalka India.

Mas’uuliyiinta Maxaabiistan kala yimid dalka India ayaa waxaa kamid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Safiirada Soomaaliya ee dalka Hindiya iyo xubno kale.

Waxaa maxaabiistaan kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka JFS Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Maxaabiistan oo kala danbiyo ah ayaa isugu jira dhalinyaro iyo kuwo da’ ah, waxaana isla Garoonka kula wareegay Guddi uu u xilsaaray Ra’isul wasaare Kheyre oo ay ku jiraan Xubno ka tirsan Wasaarada Caafimaadka.

Maxaabiista ayaa waxaa ka muuqday diif waxaana xusid mudan in goortii laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde ay halkaa ku ilmeeyen.

Dhinaca kale, Maxaabiista haatan dalka la keenay ayaa horey racfaan u qaatay oo ah in laga qafiifiyo waqtiga, balse waxaa diiday Maxakamad ku taalla dalkaasi, oo go’aamisay in xukunkoodi ay dhameystaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com