Beesha Caalamka oo cadeysay Mowqifkooda ku aadan midnimada Galmudug & Ahlusuna

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Dowlada sida aadka ah u daneeya arrimaha Somalia ayaa si diiran usoo dhaweeyay Midnimada dhexmartay maamulka Galmudug iyo Ahlusunna ee maalinimadii shalay qalinka ku duugay qodobada Heshiiskoodii harsanaa.

Heshiiska iyo Midnimada ayaa waxaa soo dhaweeyay sida Qaramada midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD, Dowladaha Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda iyo Britain.

Dowladahaani saaxiibada la ah Somalia ayaa hambalyo isku mida u diray Galmudug iyo Ahlusuna taa oo daba socta dhammaystirka heshiiska shalay lagu soo afmeeray Magaalada Dhuusamareeb.

Daneeyayaashaa Caalamka ayaa sidoo kale bogaadiyay tallaabadii ay horay u qaadeen Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumadda ee maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyagoo soo dhaweeyay dedaalkii ay ku bixiyeen ka mira dhalinta mideynta labada maamul.

“Waxaan soo dhaweyneynaa heshiiskii mideynta 18-kii bishan Dhuusa-mareeb ay ku gaareen Galmudug iyo Ahlusuna, maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan, waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Madaxmed C/laahi (Farmaajo), Madaxda Maamul Goboleedyadii ka soo qayb galay munaasabaddii mideynta labada maamul iyo matalayaasha beesha Caalamka ee ka qayb galay xafladdaasi ayaa dhammaan dhinacyada kula dardaarmay inay adkeeyaan heshiiska lana shaqayaan dowladda dhexe.

Docda kale, Xubnaha Beesha Caalamka ee shalay ka qeyb galay Munaasabadii Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ka mid ahaa Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Keating, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD, Safiirka Itoobiya, iyo saraakiil kale oo QM ka tirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Dhuusamareeb

Caasimada@live.com