Diyaarada wasiirka amniga Soomaaliya oo loo diiday in ay ka degto dalka KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Diyaarad ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano laga celshay Garoonka Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.

Wasiirada la socday diyaaradan ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa Wasiirka Amniga Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Wasiiro kale oo doonaayay inay ka dagaan International Airport ee magaalada Nayrobi.

Sida ay baahisay Idacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho Diyaarada siday Wasiirka Amniga iyo Wasiirada kale ayaa xalay dib ugu soo noqotay Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale iyo Wasiirada kale ayaa howlo shaqo ugu socday dalka Kenya, hase yeeshee waxaa laga mamnuucay diyaaradii ay la socdeen inay ka degto Garoonka.

Diyaaradan la soo celiyay ayaa waxaa lahaa shirkadda diyaaradaha ee Ocean Airlines, waxaana la ogeyn ujeedka ka danbeysay in loo diido ka dagisteeda Kenya.

Sidoo kale, waxaa wali arrintaan ka wadahadal Hay’adda duulimaadyada Somalia iyo Kenya waxaana la qiyaasayaa in sababta ay tahay diyaaradda oo xilli habeen gashay hawada magaalada Nayrobi

Dhinaca kale, Madaxda dowlada Somalia ayaa inta badan Kenya kala kulmo dhibaatooyin dhanka duulimaadyada ah, iyadoo ciladaasi ay noqotay mid joogta ah, wallow aan la ogeyn waxa soo dadajiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com