Maxaa ka taqaanaa ninka bedelaya Micheal Keating ee noqonaya ergeyga QM?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mr. Nicholas “Fink” Haysom ayaa loo soo magacaabay inuu beddelo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Michael Keating,  Dublamaasigan cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa u dhashay dalka Koofur Afrika.

Danjire Michael Keating  oo maamulayay  xafiiska QM ee Somalia – UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo  22-kii Bishii November, 2015, Isagoo  bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Wakiilka cusub ee lagu bedelayo Michael Keating  ayaa haatan wuxuu yahay Safiirka Qaramada midoobe ee Dalalka Sudan iyo Koofurta Sudan, iyadoo labadaas dalna Safiir looga dhigay Bishii March ee 2016, Wuxuuna xafiiska si rasmi ah u fariistay Jully.

Diblomaasiyiin iyo ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Mr Keating uu bedeli doono Ergey cusub oo u dhashay dalka Koofur Afrika.

Mr Haysom oo 66 sano jir caddaan Koofur Afrikaan ayaa ah Qareen waa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay y soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan.

Waxaa la sheegaa inuu ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta.

Qaramada Midoobay ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan inay ergaygeeda Soomaaliya uga wakiilka ah Danjire Michael Keating   ay bedelayso, balse ilo wareedyo kale ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in xafiiska UNSOM ee Somalia loo magacaabi doono ergay cusub oo South Afrikaanka Cadaanka ah.

Ergayga cusub ee lagu bedelayo Danjire Michael Keating   ayaa wuxuu xilka la wareegi doonaa marka uu sannadkan dhamaadka ku dhowyahay, maadaama xilliga shaqo ee Danjire Kay ku eg-tahay Bisha  December 2018-ka.

Ugu dambeyn, Danjire Michael  Keating  ayaa tan iyo markii loo magacaabay inuu ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya noqdo, wuxuu xoogga saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro sannadka 2020-ka ee nagu soo wajahan, waloow aan la ogeyn sida doorashadaas aanu xaadirka ka eheyn noqon doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com