Diyaaradaha Turkiga oo ku biiray dagaalka deegaanka Masaajid Caliguduud

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha dagaalka dowladda Turkiga ay duqeymo xoogan ku garaaceen deegaanka Masaajid Caliguduud ee gobolkaasi, kadib markii ay halkaas shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in duqeynta oo aheyd mid culus lagu beegsaday aagga ay ku sugan yihiin xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubno ka tirsan kooxda lagu laayey duqeyntaasi, sida ay shaaciyeen saraakiil dhanka amniga oo ah ka hadlay xaaladda deegaankaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dib uga soo baxay Masaajid Caliguduud oo ay shalay la wareegeen, kadib dagaallo qaraar oo ka dhacay halkaasi, waxaana haatan wararka ay sheegayaan ciidamada huwanta ay sladhigteen duleedka bari ee isla deegaanaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa inay labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wadaan halkaasi, ayada oo dadka deegaanka ay dhankooda cabsi xoogleh ka muujinayaan in markale uu dib u qarxo dagaal culus.

Shabeelaha Dhexe oo hoostaga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa HirShabelle oo sidoo kale garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Si kastaba, saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu ku wajahan yahay saldhigga ugu ee Al-Shabaab oo ku yaalla degmada Aadan Yabaal.