Ciidamada DF oo qabtay gaari dameer qaraxyo lagu soo raray

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa fashiliyey weerar qarax ah oo ay soo maleegeen dagaalayahanada Al-Shabaab, kaas oo lala damacsanaa fariisin ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyn.

Wararka ayaa sheegaya in xalay ciidamada ay gacanta ku dhigeen gaari Dameer lagu soo raray walxaha qarxa, kaa soo kusoo wajahnaa dhinaca magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay heleen xogta gaari Dameerkan, isla-markaana ay ka hortegeen, kadib howlgal ay ka sameeyeen duleedka Beledweyne.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo waday qaraxa ay ku dagaalameen halkaasi, waxaana lasoo wariyey in dagaalyahanada Shabaab ay gooobta ka carareern, kadib markii la fashiliyey weerarkooda.

Ciidamada ammaanka ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah, waxayna sidoo kale ku howlan yihiin kala fur furista qaraxyada lagu soo raray gaari Dameerka.

Beledweyne oo xudun u ah howlgallada ka socdo gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey weeraro qaraxyo ah, waxaana ugu dambeeyey saddexdii qarax ee dhowaan lagu weeraray xarunta Lamagalaay oo ay ku taallo madaxtooyada HirShabelle.

Xaaladda gobolka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana deegaannada qaar ka socdo howlgallo, halka meelaha qaarna laga dareemayo abaabul ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.