Wararkii ugu dambeeyey weerarka lagu qaaday Hotel TAWAKAL ee KISMAAYO

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka ee magaalda Kismaayo ayaa la dagaalamaya dabley hubeysan oo galay gudaha hoteel ku yaalla bartamaha magaalada, oo ay ku jiraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Weerarka hoteelka ayaa ku billowday qarax culus oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotel Tawakal, waxaana qaraxa iyo rasaasta socota ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan, sida aan xog ku helnay.

Ku dhawaad 15 qof oo dhaawac ah ayaa la geeyey isbitaallada magaalada Kismaayo, waxaana jiro dhimasho ka dhalatay weerarka inkastoo aan tiro rasmi ah la heyn, ayada oo dad badan la rumeysan yahay inay ku dhinteen gudaha hoteelka.

Hoteelka uu weerarka ka dhacay ayaa ku yaalla waddada aadda dekadda magaalada Kismaayo, waxaan wadada isticmaalayey arday iyo dad badan oo shacab ah xilliga uu qaraxa ka dhacayey. Dhaawcyada ayaa waxaa ku jira ardayda qaarkood.

Tawakal Hotel Wuxuu ka mid yahay hotellada caanka ah ee ammaankoodu uu adag yahay, waxaana dagan siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo qeyb kasoo qaatay dhismaha maamul goboleedka Jubbaland.

Hotelka la weeraray ayaa u dhow hotelka Cascaseey oo sidaan oo kale la weeraray sanadkii 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteyn dad badan oo ka tirsanaa maamulka Jubbaland.

Kooxda Al- Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka socdo hotelkaasi, waxayna sheegtay inay gudaha hotelka ka wado toogasho toos ah.

“Qarax ayaa ka dhacay hotel Tawakal, waxaana la maqlayaa rasaas,” ayuu yiri Maxamed Nuur oo ah kabtanka ka tirsan booliska Kismaayo oo la hadlay Reuters isagoo ku sugan magaalada Kismaayo.