DF oo ka digtay arrin dhici karta maalmaha soo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta roobab daadad wata oo maalmaha soo socda ka di’i kara deegaano kamid ah dalka.

Qoraal digniin ah oo kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in toddoba cisho ee soo socota oo ah asbuuca saddexaad ee bishaan October ay saadaashu muujineyso in roobka dayrtu usoo guurayo dhinaca G/dhexe iyo qeybo kamid ah G/Koonfureed ee dalka.

“Gobollada Togdheer, Nugaal, Sool, Mudug, Galgaduud, Koonfurta-gobolka Waqoyi-galbeed, Koonfurta-gobolka Hiiraan iyo Bariga-gobolka Bakool ayaa sida ay saadaashu sheegeyso waxay asbuucan heli doonaan roobab ah inta u dhaxeysa 10 – 100 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Haddii ay roobabkaasi uga da’aan sida ay saadaashu sheegeyso waxay degmooyin goboladaasi kamid ah wajihi doonaan khatar kaga timaada halista daadadka (flash floods) ay roobabkaasi sababi doonaan.”

Sidoo kale waxay sheegtay hay’addu in gobolada kale ee dalka sida; Awdal, Gedo, Jubada-dhexe, Jubada-hoose, Baay, Shabeelaha-dhexe, Shabeelaha-hoose iyo Banaadir ay asbuucan heli doonaan roob aan badneyn oo xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm), sidaas darteedna aan la fileyn in saameyn badan ku yeeshaan goboladaas.

Digniintan kasoo baxday hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda ayaa kusoo aadeysa xili ay xalay daadad xoogan ku rogmadeen magaalada Qardho, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.