Diyaaradda Turkish Airlines oo kasoo degtay Muqdisho iyo Fahad Yaasiin Xaaji oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines ayaa maanta kasoo degtay magaalada Muqdisho, taas oo shalay baaqatay islamarkaana dib uga laabatay dalka Jabuuti.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in diyaaraddan uusan la socon la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, balse ay keentay rakaab isugu jiro kuwa shalay laga celiyey garooonka diyaaradaha Jabuuti iyo kuwa kale oo cusub.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dowladda Jabuuti ku eedeysay inay shalay xanibtay Fahad Yaasiin, hase yeeshee Jabuuti waa ay beenisay waxayna sheegtay in diyaaradda ay u baaqatay cilad.

Weli ma cadda sababta diyaaraddii uu Fahad uu uga haray diyaaraddii maanta, hase yeeshee waxaa shalay jiray xog sheegeysa in dowladda federaalka ay amartay diyaaradaha caalamiga ah inaysan soo qaadi karin Fahad.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin, oo diyaaraddii shalay dartiis loo celiyey, uu soo kireysan doono diyaarad qaas ah, si u soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ay sii xoogeysatay, taas oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Fahad Yaasiin ayaa qorshihiisa waxa uu yahay inuu magaalada Muqdisho uga qeyb-galo shirka golaha amniga qaranka ee uu iclaamiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, si uu ugu soo bandhigo warbixinta la xiriirta kiiska ‘dilka ah’ ee Ikraan Tahliil.

Shalay ayey aheyd markii diyaaraddii sidday Fahad Yaasiin ay ka noqotay wadanka Jabuuti, iyada oo Villa Soomaaliyana ay dowladda Jabuuti ku eedeysay inay xanibtay Fahad Yaasiin, walow wasiiro ka tirsan Jabuuti oo ka hadlay dhacdadaas ay iska fogeeyeen eedeyntaasi.