Ururka Midowga Yurub oo bayaan culus kasoo saaray xiisada Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa markii ugu horreysay bayaan rasmi ah ka soo saaray xaaladda Sodalka & xiisadda ka qaraxday Villa Soomaaliya ee u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha.

Bayaanka, oo uu soo saaray wakiilka sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrel ayaa waxaa loogu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay is xakameeyaan, ayna ilaaliyaan xasiloonida guud ee dalka.

“Midowga Yurub wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan is-maandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya xilligan,” ayuu yiri Borrel

Midowga Yurub ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in deegaanshaha u fure u yahay bad-qabka guud ahaan dadka Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga fakiro mustaqbalka.

“Waxay tani fure u tahay bad-qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” ayuu yiri.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in loo baahan-yahay in aan la hakin geedi socodka doorashooyinka dalka, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyey ee 27 May.

Hadalka ka soo yeeray Midowga Yurub ayaa ku soo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay  gaartay xiisadda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya, taas oo saameysay doorashooyinka.

Si kastaba, beesha caalamka oo horay warsaxaafadeed u soo saartay ayaa cambaareysay xiisaddan, iyada oo shaacisay inay wiiqeyso xasiloonida haatan ka jirta gudaha Soomaaliya.