Faransiiska oo u yeeratay safiiradooda Australia iyo Mareykanka kadib markii ‘dhabarka laga mindiyeeyay’

Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa Jimcihii u yeertay danjirayaashii u fadhiyay Mareykanka iyo Australia si ay ugala tashadaan khilaafka ba’an ee  ku saabsan baabi’inta qandaraas Australia uga iibsan laheyd marakiibta dagaal ee quusa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda France Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in madaxweyne Emmanuel Macron uu amray in dib loogu yeero danjirayaashaas kadib markii Australia ay ka baxday heshiiskii ay ku iibsan lahayd maraakiibta dagaalka ee badda quusa ee Faransiiska, si ay u iibsadaan kuwa Mareykanka .

“ In laga baxo mashruuca kala iibsiga Maraakiibta dagaalka ee quusa ee u dhaxeeya Australia iyo Faransiisku oo laga shaqeenayey tan iyo 2016 waxay ka dhigan tahay dhaqan aan la aqbali karin inuu dhex maro xulafada” ayuu yiri Jean-Yves Le Drian.

“France waxay dareemeysa in dhabarka laga mindiyeeyey,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacaddii ku dhawaaqay isbahaysiga cusub oo dhanka difaaca ah oo dhex mara Mareykanka iyo Australia, wuxuuna Biden sheegay in Australia uu isbaheysigaan ka caawin doono tikniyoolajiyadda gujiska nukliyeerka, difaaca Internet-ka, sirdoonka macmalka ah iyo awoodaha badda hoosteeda.

Heshiiska ay wada-saxiixdeen Mareykanka iyo Australia ayaa si weyn loogu arkaa mid looga golleeyahay in looga hortago kororka Shiinaha.

Tallaabadaan ayaa waxaa si weyn uga carootay Faransiiska oo qadandaraaska ay la gashay Australia sanadkii 2016 ee lagu kala iibsan lahaa maraakiibta dagaalka ee badda hoosteeda quusa ku weyn doonto lacag gaareysa $36.5 bilyan.

Faransiiska ma aysan qarin carada ay ka qaaday heshiiskaas, waxayna maalintii Khamiista aheyd ku eedeysay Australia inay gadaal ka toogatay halka ay Washinton ku eedeysay inay lasoo baxday dhaqankii lagu yaqaanay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

“Runtii tallaabadaan waa gadaal la toogasho, waxaan Australia la sameysanay xiriir ku dhisan aaminaad balse kalsoonidiii waxay kusoo dhammaatay khiyaano,” ayuu yiri  Le Drian.