Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo caddeeyey mowqifkooda SHIRKA uu FARMAAJO ku baaqay

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa noqday kii ugu horreeyey ee si rasmi ah u qaadaca shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo inuu maanta ka furmo Muqdisho, balse baaqday.

Shirkaas, oo sida la sheegay uu taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu kusoo bandhigayo xogta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa u baaqay kadib markii Fahad shalay lagu celiyey Jabuuti, oo uu Muqdisho iman waayey, kadibna dib ugu laabtay Istanbul.

Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa ku mideysan madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo taliyayaasha ciidamada amniga.

Wasiirka Arrimaha Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland aysan ka qeyb-galeyn shir uu ku baaqay Farmaajo.

Wasiir Dhabancad ayaa meesha ka saarey doorka Farmaajo ee Shirarka masiiriga ah ee loo qabanayo dalka, isagoo ku sifeeyay inuu yahay Madaxweyne hore, oo sharciyaddii ay ka dhamaatay hadda.

Maamul goboleedyada kale ayaan weli caddeyn mowqifkooda, hase yeeshee waxaa la filayaa in sidoo kale Jubaland ay qaadacdo shirkan, halka HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo xulafo la ah Farmaajo ay aqbali doonaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u diiday in kiiska Ikraan Tahliil uu noqdo mid looga doodo shirar iyo guddiyo, wuxuuna ku amray maxkamadda ciidamada qalabka sida inay baarto, taasi oo ah sida ay doonayaan qoyska Ikraan.