Diyaaraddii ku burburtay Afgooye oo u daneysay garoonka Aadan Cadde sida ay sheegtay DFS..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay burburka diyaarada u rarneyd AMISOM ee ku degtay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo waxyaabaha sababay burburka diyaarada.

Cumar Sheikh Cabdi, oo kamid ah masuuliyiin hayada Duulimaadyada Rayidka ayaa sheegay in diyaarada ay hawada Muqdisho soo gashay xili habeen ah oo suuro gelin weyday iney ka degtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Kabtan Cumar Sheikh, ayaa sidoo kale in diyaarada ay burburkeeda kala wareegatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho sidaasina dadka wadayay ay ugu daneeyeen dhismaha garoonka, sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxu sheegay in duuliyaasha diyaarada isku dayeen iney kusoo degtaan garoonka Aadan Cadde, balse aysan u suuro galin.

“Garoonka ayay arkiwaayeen isku day badan ayay sameeyeen, markii dambe shidaalka ayaa ka dhamaaday, garoonka diyaaradaha iney waxyeelo gaarsiiso ayay ka dhowrtay laakiin burbur xoogan ayaa garay”ayuu yiri Kantanka.

Diyaarada waxay u rarneyd ciidamada AMISOM, waxaana duuliyayaal ka ahaa lix ruux oo ajaaniib ah una badan dalka Masar, dhamaantoodna waxaa a sheegay iney bad qabaan oo kaliya labo ruux ayaa dhaawac fudud uu soo gaaray.

Sidoo kale waxaa rajo beel laga muujiyay in diyaaradaasi dib loo dayactiro sabab la xiriirta burburka weyn ee kazoo gaaray garbaha iyo caloosha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com