Xildhibaannada BFS oo diiday dalabkii JAWAARI

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa markale ka jawaabay hadalkii shalay kasoo yeeray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in maanta kulan kale uu dhexmarayo xildhibaanada mooshinka gudbiyay iyo madaxweynaha Soomaaliya.

C/laahi Goodax Barre, oo kamid ah xildhibaanada ugu cad cad kuwa mooshinka gudbiyay ayaa sheegay in marnaba aysan ka qeyb galeynin kulanka uu ku baaqay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayna diyaar u aheyn.

Goodax wuxuu sheegay iney doonayaan in dalka uu hogaanka usoo hayo madaxweyne Qiyaano qaran galay, sida uu hadalka u dhigay xili uu la hadlayay BBC-da.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan xildhibaanada mooshinka keenay ay mowqif mideysan ka leeyihiin ineysan marnaba la kulmin madaxweynaha ilaa iyo inta gudoomiye Jawaari uu raali gelin ka bixinayo hadalkii uu ku sheegay inuu soo afjaray mooshinka.

Malintii shalay gudoomiye Jawaari ayaa soo saaray qoraal uu ku cadeynayo in markale kulan siinayo xildhibaanada mooshinka keenay iyo xildhibaanada kazoo horjeeda ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com