Diyaaradii Madaxweyne Geele oo halis ku gashay Hawada Somalia kadib markii..

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in diyaaradii uu la socday Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaciid Cumar Geele ay dib ugu laabatay dalka Jabuuti, kadib markii la sheegay inay soo foodsaartay cilad.

Cilada ayaa la sheegay inay soo foodsaartay inta ay ku jirtay Hawada Somalia, waxa ayna taasi qalqal galisay wafdiga Madaxweynaha.

Cilada soo foodsaartay Diyaarada uu la socday Madaxweyne Ismaaciil Geele ayaa waxaa xaqiijiyay Danjiraha cusub ee dalka Jabuuti u fadhiya Somalia, waxa uuna cadeeyay inay dib u laabatay diyaarada.

Diyaarada ayaa la sheegay inay hawada Somalia dul heehaabeysay dhowr daqiiqo, kadibna waxa ay go’aansatay inay dib u laabato.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa shirka kusii matali doona Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam.

Dhinaca kale, Shirka IGAD ayaa waxaa lagu wadaa in goordhow uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxa uuna diyaar garowga ka socdaa howlka shirarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com