Sawirro: Sidee Madaxweynaha Kenya loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo caga dhigatay diyaaradii siday Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta.

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana lasoo sheegayaa in soo dhaweyn kadib loo galbiyay Hotelka Peace oo ah halka uu shirka ka furmi doono.

Madaxweynaha Kenya ayaa goortii uu gaaray Hotelka Peace, waxa uu usii gudbay qolkiisa nasiinka waxaana lasoo warinayaa in madaxda iminka soo gaartay magaalada Muqdisho ay qaadan doonaan wakhti kooban oo nasiin ah, iyadoo wixii intaa ka danbeysana ay u guda gali doonaan shirka.

Madaxda ku mashquulsan howlka shirka ayaa sheegay in shirka uu furmi doono saacadaha fooda nagu soo heysa, waxaa iminka loo xayiran yahay keli tirro mas’uuliyiin ah oo aan wali soo gaarin magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan looga hadlayo arrimaha Koofurta Sudan iyo xaalada Soomaaliya doorashooyinka dhici doona.
garonka
igad-1
igad-4

igad-5

igad-6