Madaxweyne Kale oo kasoo dagay Aadan Cadde & Xasan Sheikh oo so dhaweeyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho soo gaaray diyaaradii siday madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Wafdiga madaxweyne Uhuru Kenyata oo ay ku jiraan xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladiisa ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho oo markii ugu horeysay ay yimaadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud aytaa wafidgan ku sugayay Aadan Cadde Airport wuxuuna kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Uhurru Kenyatta ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Shirka madaxda IGAD ayaa la filayaa inuu gordhow ka furmaa magaalada Muqdisho.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com