Sawirro: Wafdigii ugu horeeyay ee ka socday IGAD oo Muqdisho soo gaaray (Yaa kamid ah?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay mas’uuliyiin horudhac ah oo ka socta dowladaha uu shirka uga furmi doono magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda Kenya, Jabuuti iyo Uganda kuwaasoo horu dhac u ah Madaxdooda.

Wasiiradani ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Dibadda Somalia C/salaan Hadliye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumada uu wakhtiga kasii dhamaanaayo.

Wasiir Hadliye ayaa Wasiirada dhigiisa ah u galbiyay dhanka Madasha uu shirka ka furmi doono, waxaana halkaasi uga sii horeeyay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada kuwaasi oo loogu tallo galay soo dhaweynta Madaxda.

Amaanka Garoonka ayaa waxaa si toos ah ula wareegay ciidamada AMISOM oo iyaga noqon doona kuwa salaanta ka qaadan doona Madaxda lagu soo dhaweyn doono Garoonka.

Dhinaca kale, waxaa Garoonka ka socta qabanqaabada soo dhaweynta Madaxda, waxaana goordhow VIP-da Garoonka ku xaroon doona Madaxweyne Xassan Sheekh iyo tirro mas’uuliyiin ah oo ka tirsan Safiirada ku dhaqan Somalia.
koow-1

koow-2
igad-1

igad-2
iga-1

iga-2

iga-3