Akhriso: Qodobada ugu xasaasisan ee looga hadlayo shirka IGAD ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxda waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa laguu wadaa inay markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Shir madaxeedkan oo maanta furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

Qodobada shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. Xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan
  2. Arrimaha diyaargarowga Doorashada Soomaaliya
  3. Arrimaha la xiriira iskaashiga
  4. Wax wada qabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah