Diyaarado dagaal oo Muqdisho kasoo degay iyo garoonka Aadan Cadde oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan Saraakiisha ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhow Garoonka ay kasoo caga dhigteen diyaarado ay la socdeen ciidamo Milliteri aad u gaashaman kuwaasi oo la sheegay inay hordhac u yihiin Madaxda IGAD ee Muqdisho kusoo wajahan.

Ciidamadaani ayaa la sheegay in loo gudbin doono Goobta uu shirka IGAD ka furmi doono, waxaana la sheegayaa inay baari doonaan dhammaan howlka uu shirka ka furmi doono, si loo xaqiijiyo amniga Madaxda imaan doonta.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamadaani goordhow lagu keenay diyaarada ay ka socdeen wadamada Kenya, Ethiopia iyo ciidamo kale oo la sheegay in diyaaradooda ay iminka kusoo jirto hawada.

Ciidamadaani diyaaradaha lagu soo daadgureynaayo ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona ilaalada Howlga ay Madaxda ku shiri doonaan, waxaana suuragal ah in Hoolka banaanka looga saaro ilaalada Xassan Sheekh iyo dhammaan dharcadka dowlada, si amaanka loogu wareejiyo madaxdaasi.

Waxaa goordhow Garoonka gaaray Kooxo ay DFS u xilsaartay hab maamuuska Madaxda iyo soo dhoweyntooda, waxaana qaabka shirka u dhacayo iyo hab maamuuskiisaba gacanta ku heyso Madaxtooyada.

Sidoo kale, Madaxda IGAD ayaa kusoo kala hormari doona magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarado gaar gaar ah la socda.

Geesta kale, Garoonka Aadan Cadde ayaa iminka galay Jawi buuq leh waxaana halkaasi ka socda dadaalka lagu soo dhaweynaayo Madaxda IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com