Caddeyn: Xasan oo si aan looga baran uga carooday warqad been abuur ah oo shirkad IGAD laga faafiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow baraha bulshada lagu faafiyay warqad ay ku saxiixan tahay maamulka IGAD, taasi oo lagu sheegay in dib loo dhigay shirka IGAD ee maanta oo Tallaado ah la filaayay in lagu qabto magaalada Muqdish.

Warqadaani ayaa qalqal galisay shirka waxaana lagu cadeeyay in shirka uusan qabsoomi doonin, hayeeshee baaritaano iyo xaqiiq raadin kadib waxaa la caddeeyay in warqada soo baxday ay tahay mid been abuur ah.

Warqada lagu faafiyay in shirka IGAD uusan ka dhici doonin magaalada Muqdisho, ayaa waxaa qeybta hoose uga saxiixan Xogheynta Urur goboleedka IGAD, waxa ayna warqadaani qalqal iyo Jahwareer galisay Madaxda iyadoo dad badan ay siyaabo kala duwan uga hadleen arrintan.

Sidoo kale, dowladda Federalka Somalia ayaa xaqiijisay in Magaalada Muqdisho uu maanta si rasmi ah kaga furmaayo Shirka Madaxda IGAD, waxa ayna been abuur ku sheegtay warqada ku saxiixan IGAD ee lagu faafiyay warbaahinta.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar, ayaa sheegay qabsoomida Shirkaan Somaliya inay guul u tahay marka la eego xaalada dalka.

Waxa uu sheegay taariiqda Somaliya inay geli doonto in caasimada Muqdisho ay martigeliso Shirka Madaxda Urur Goboledka IGAD, waxa uuna dhankiisa ka beeniyay warqada la faafiyay ee lagu hadal hayo in shirka Muqdisho ka furmi lahaa uu baaqday.

Geesta kale, Madaxweynaha dalka ayaa la sheegay inuu aad uga carooday warqadaasi lagu fashilinaayo shirka IGAD ee maalmahaani ay dowladu ku mashquulsaneyd.

HOOS KA AKHRISO WARQADA
igad-1
hashtag