Xasan: Musharax i aflagaadeynaya hadana iga sugaaya kursiga muxuu iga mudan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si caro leh uga hadlay go’aanka ay qaaten Musharaxiin kula loolameysa doorashada la filaayo in dhawaan ka dhacdo dalka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in Musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo uu hadana aflagaado kula kaco.

Xassan waxa uu sheegay inuusan arag meel anshaxa ugu jiro aflagaadeynta Madxaweyne balse waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay in shaqsi musharax ah oo aflagaadeynaaya Madaxweynaha hadana ku taamaaya inuu noqdo Madaxweyne.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay qabashada doorasho taariikhi ah waxa uuna carab dhabay in doorashadaani ay noqon doonto mid baaldahab gali doonta, sida uu sheegay.

”Doorashooyin taariikhi ah ayaa ka dhacaya dalkeena sannadkan, kuwaas oo aan dhammaanteen diyaargarow buuxa ugu jirno. Waqtigu waa ciriiri, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay xaqiijinta inay doorashooyinkaasi qabsoomaan”

Xassan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ”Doorashooyinkan waa tijaabo ama halbeeg uu caalamku ku tijaabinayo biseylkeena siyaasadeed iyo horumarka aan ka gaarney dib u soo kabashada, colaaddii dheereyd kadib. Haddii aan ku guuleysano doorashooyinkaasi waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dhan oo guuleysatey, gobolka Geeska Afrika oo guuleystey iyo caalamka oo iyaguna guuleystey”

Sidoo kale, Xassan waxa uu sheegay in Musharaxiinta looga baahan yahay inay la imaadan dabeeecad ay kula dhaqmaan dadka shacabka ah iyo Madaxda dalka oo ay loolanka kula jiraan.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa u muuqanaaya mid lagu cabsi galinaayo Musharaxiinta waxa uuna hal ku dhig ka dhigtay in musharaxiinta ay aflagaadeynayaan shaqsiyadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com