26.2 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

DIYAARADO dagaal oo maalinkii labaad dul heehaabaya hawada Kismaayo‏

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Magalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose Soomaaliya waxaa dul heehaabaya tan iyo shalay diyaarado nooca qumatiaga u kaca oo ay leeyihiin ciidamda Kenya oo qayb ka aha hawlgalka Amisom ee Somalia.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magalada ayaa u sheegay bogga Caasimada Online in diyaaradaha ay ilaa iyo shalay dul marayeen magaalada ayadoo loo maleynayo in ay ka qayb qaadanayaan sugida ammaanka magalada oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaailya Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakisha ciidanka ammaanka MKG Jubba kama aysan hadlin diyaradaha dul waregaya magalada sidoo kale waxaa wali gaabis ah isu socodka dadka iyo gaadiidka magalada ayadoo tan iyo shalay ay magalada ka go’antahay isgaarsiinta sababa ammaan.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo, oo uu kulamo kula qaatay maamulka Jubba iyo dadka deegaanka, ayada oo la filayo inuu maanta kasoo laabto.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News