Diyaarado duqeeyey meel u dhow magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online ka helayso Degmada Salaxley, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen degmadaas oo magaalada Hargeysa u jirta qiyaastii 50-Km.

Diyaaradahan dagaal ayaa shalay bambooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa ku tuurey deegaano katirsan degmada Salaxlay, iyaga oo si gaara ula beegsaday banka qool-caday, halkaas oo ay ku sugnaayen dad reer guura ah.

Guddoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Shiine ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen reer guuraa iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmadaasi.

“Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yiri Guddoomiye Shiine.

Gudoomiye Shiine ayaa sidoo kale sheegay inay goobtaasi ay isla markiiba tageen, ayna soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku.

Dhinaca kale, Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah ee banka qool-caday ayaa sheegay inay maqleen jug culus iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen.

Ilaa iyo hadda lama oga dalka laga leeyahay diyaaradahaasi Militeri ee duqaynta gaystay, balse Gudoomiyaha degmada Salaxlay ayaa sheegay in marar hore diyaarado militeri ay joog hoose ku dulmareen degmada, balse ay tahay markii u horaysay ee hub tuuraan, arrintaasi oo oo cabsi ku abuurtay dadweynaha deegaankaasi.

Laamaha ammaanka ee Somaliland iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa lagu wargaliyay arrinta, ilaa iyo haddana wax war ahna weli kamey soo saarin.

Sikastaba, dhawaan unbey aheyd markii degmada Gabilay, ay sidan oo kale diyaarado dagaal ay hub ku tuureen dhul daaq-simeed ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah, iyada oo xukuumadda Somaliland ka hadal inta badan arrimaha diyaaradahaasi duqeymaha geysta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com