Document: Akoonada lacagta ee maamulka Puntland oo xayiraad la saaray

Garoowe (Caasimada Online) – Hanti dhowrka Puntland, ayaa xayiray akoomada Puntland, kadib markii golaha Wakiillada (Barlamanka), ay kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Dowlada Puntland ayaa lagu xanibay dhamaan dhaq dhaqaaqa khasnadaha ama Accounada Wasaaradaha ee Bangiga dhexe iyo Shirakaadka gaarka loo leeyahay.

Arrintan oo Hantidhowrku sheegay inuu u cuskaday awoodiisa Dastuuriga islamarkaana uu ilaalinayo hantida qaranka.

Go’aankan oo dhaqan galaya maanta ayaa lagu sheegay in golaha xukuumaddu uusan wax kharashaad ah ka saari karin Bangiyada dowladda, maadama laga qaaday xilalkii ay u hayeen shacabka Puntland.

Go’aankan oo lagu muujiyay inay wax ka ogyihiin Madaxweyne Gaas iyo Xeer ilaalinta Puntland, ayaa la faray dhinacyada ay khusayo inay sharciga u hogaansamaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli intabada mas’uuliyiinta Somaliyeed marka xilka laga qaado ay horay usii qaataan hantida ay gacanta ku hayaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
Caasimada@live.com