Xog: Wasiirka Waaradda Boostadda oo Shaqsiyaad ka iibiyey Sumadii Qaranka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Wasiirada waxaa 13kii Bishii April 2017 lagu wargaliyay in Domainkii dawladda Soomaaliya ay wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadu si toos ah ula soo wareegtey waxaana xigay in Wasiirka Wasaaraddu Mudane Cabdi Xasan Canshuur uu emailo udirey dhamaan golaha wasiirada isagoo ku wargaliyay iney soo dalbadaan emailadooda si hadda kadib looga sameeyo emailo dawladeed oo ay ku hawlgalaan.

Wasaaradaha iyo laamaha xukuumadda ayaa fiilo dheer u galay iney qoraalo soo gudbiyaan ay ku dalbanayaan emailo iyadoo qaarkoodna heleen qaar bandanna aysan wali helin. Haddaba waxaa lagama maarmaan noqoneysa in xog aruurin dheer kadib iyo qoraalo hore oo laga sameeyey hawshan aan dib uraacno warbixinadaas aana daahfurno sababta keentey in wasaaraddu ku degdegto goaan aan sax ahayn oo lagu marin habaabinayo hay’adaha dawladda.

Domainka Soomaaliya DOTSO

Sumadda Qaranka ee labada xaraf waa mid ay leeyihiin dhamaan dawladaha adduunka waxaana dawladda masuul uga ah Wasaaradda Boostada &Isgaarsiinta. Waxey ahayd sanadkii 2010 markii dawladdu heshiis la gashey shirkad Japanese oo la dhaho GMO iney muddo 5 sano ah u maamusho kadibna lagu soo wareejiyo dawladda Soomaaliyeed. Heshiiskaas waxaa kamid ahaa in 70% waxii kasoo gala iibka Domain-ada dawladdu qaadato meesha 30% ay qaadaneyso shirkadda GMO ee laga lahaa dalka Japan. Dawladda waxaa heshiiskaas u saxiixay Wasiir Jurriile waxayna ahayd shaqo wanaagsan oo waddamada soo koraya dhan ay marayeen. Waxaa wasaaradda markaas la taliye ka ahaa Maxamed Ibraahim Aaden oo ahaa aqoonyahan kayimid Australiya waxuuna wasaaradda iyo dawladda u noqdey waji iyo xiriirka shirkadda GMO isagoo dhamaan shirarka dalka dibaddiisa ka dhaca ee dawladda tagayay illaa haddana taga.

Xisaab xirkii uu qorey Maxamed Ibraahim Aaden sanadkii ugu horeeyey waxuu qirey in 36kun oo Domain( Website) la gadey ayna kasoo xarootey lacag ku dhaw $500kun. Sumadda Soomaaliya waxey noqotey kuwa loogu iibsi badan yahay waxayna gashey Lambarka sadexaad qaaradda Africa.Dib waxaa laga ogaadey in magacyada ugu badan ee lagu gatey DOTSO iney ahaayeen magacyada anshaxa xun oo caalamka ama dunida muslimka ah mamnuuc ka ah.

Maxamed waxuu la taliye usoo ahaa wasiiro badan oo ka dambeeyey Juriile waxuuna waqtigu ku dhacay dhamaantood waxay xilka ka dageen iyagoo bilaabay dacwo ka dhan shirkadda GMO iyo Maxamed Ibraahim oo u ahaa albaab marwalba ukala sheekooda wasaaradda iyo shirkadda una sheegi jirey in Wasiirada dhakhso la badalayo oo aysan ujawabin. Illaahay waxuu qaddaray inuu isagii wasiir noqdo 2014 kana mid noqdo xukuumaddii Cabdiwali Sheekh Axmed taasoo u sahashay inuu waxbadan u diyaarsado siduu rabo kuna talagalo inaan sinaba looga wareejin maamulka domainka oo u noqdey shaqo ganacsi oo lacag badan.

Markii ay dhacdey dawladdii Cabdiwali Sheekh ee uu yimid Wasiir Guuleed waxuu MAxamed Ibraahim la hoos galay Sumaddii Qaranka guriga madaxtooyada oo uu ka qortey warqad inuu yahay La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca ICT taasoo awood usiiyey inuu diido soo wareejinta maamulka Domainka. Waxay keentey in Domainka dawladda lagu gado suuqa Hotel Mubaarak oo hadda lagu dhexgado iyo Hotel Jazeera taasoo can ka noqotey hay’adaha dawladda.

Markii lasoo magacaabay Wasiir Canshuur waxuu nasiib u heley Maxamed Ibraahim inay ahaayeen saaxiib dhaw ooh ore oo yaraantii is yaqaaneen islana koreen. Taasi waxey fursad kale usiisay inuu u dajiyo khidad cusub oo uu kusii heysanayo Maamulka Domainka taasoo ah in heshiis lala galo qoraya in 90 maalmood lagu soo wareejiyo maamulka kaasoo ku ekaa 13/07/2017. Sida wasiirku ka sheegey golaha Wasiirada waxay ahayd in laga bilaabo 13kii bisha July ay wasaaraddu heyso maamulka Domainka.

Marka hore maxaa loogu baahan yahay 90 maalmood in Password- qof laga wareejiyo waxaa lagula wareegi karaa ka yar 3 daqiiqo. Maxamed Ibraahim iyo Canshuur waxay saddex computer oo duqoobey kasoo rareen Imaaraadka iyagoo leh waa qayb kamid ah Server-adii waxaana la dhigey xarunta Dalkom ee Muqdisho. Computeradaasi waa daasado maran wax shaqeeyana ma ahan wax hawl ah oo ay maamulka Domainka u hayaana ma jiro laakiin ujeedadii laga lahaa waxey ahayd in saxaafadda la dhaho qalab Ayaan soo qaadney oo aan waxba ka jirin. Xukuumaddu ma warsanin wasiirka arimahaas si dhab ah waxaana loo qaatey inuu yahay wasiir shaqo badan oo hawlo dadajinaya.! Waxuu ku dadaalay inuu maalinwalba saxaafadda hor fariisto oo sheego war aan jirin. Tusaale ahaan maalin dhaweyd waxuu sheegey in maalinkii $10Milyan oo ay khasaare gaarsiineyso Soomaaliya maqnaanshaha Internetka wax waydiiyey xisaabtaas meeshey ka timid ma jiraan, waxaana cad ineysan waxba ka jirin.

Si Domainka dawladda loo xasiliyo oo uusan marna gacanta dawladda usoo galin waxuu wasiirku ku dadaalay inuu shaqooyinka wasaaradda dhan kaligiis qabto oo uusan xitaa wasiirada kale la wadaagin taasoo keentey iney ku badato isagoo markaasna keensadey saraakiil kale oo aan ka tirsaneyn wasaaradda. Waxuu shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee wasaaradda ku wareejiyey Cabdi Sheekh Axmed oo ay Raysal Wasaaraha Qaraabo yihiin isagoo uga dhawaanaya rabana inuu ku dado khaladaadkiisa iyo beenta uu maaggan yahay.  Maxamed Ibraahim iyo Cabdi Sheekh waxey matalaan wasaaradda shirarka dibadda ka dhaca waxeyna goaan toos ah ku leeyihiin habsami u socodka shaqada wasaaradda.

Wasiirku talaabadii ugu horeysey ee uu qaaday waxay noqotey in agaasimayaal afar ah xilka ka qaado iyadoo saddex kamid ah agaasimayaashaas ay Maxamed Ibraahim isa soo khilaafeen xilligii uu wasiirka ahaa waxuuna Wasiir CAsnhuur kula taliyay inuu xilka ka qaado raggaas. Canshuur isagoo aan hal maalin fariisanin ayuu xilka ka qaadey aagasimayaal uuusan wax shaqo ah udirsan waxuuna ku baddalay wiil uu adeer u yahay taasoo kazoo horjeedda baaqii xukuumadda Kheyre iyo balanqaadkii Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Farmaajo.

Agaasimayaashaas oo dalbadey in caddaaladda kiiskooda la horgeyo illaa iyo hadda maysan helin wax garsoor ah oo arintooda hoos  u eega iyadoo aysan jirin wax sabab ah oo xilkooda u waayeen oo aan ka ahayn in Maxamed Ibraahim horey isku khilaafeen wasiir Canshuurna muusan waqti uhelin uu ku barto ama hawli ku dhexmarto. Marka ay xukuumaddu caddaalad darrada ka gaabsato waxay qasbeysaa in bulshada lala wadaago dareenka dulmiga ay masuuliyiintu sameynayaan!

Xaggee Xaalka Domainku marayaa hadda?

Waxaa Domainka dawladda maamulaya Maxamed Ibraahim waxuuna taariilkh u leeyahay in hadba uu ka xirto qofkii uu doono ama u furo qofkii uu rabo isagoo sameystey emailo badan oo uu caalamka kula xariiro. Heshiiska udhaxeeya labadooda waxaa waaye in mustaqbalka ay kuwada shaqeystaan.

Domainada caalamka waxaa maamula dhawr hay’adood oo kala ah; ICANN, AFRINIC ( Qaaradda Africa) iyo hay’adda ITU oo dhinaca Isgaarsiinta caalamka u qaabilsan. Saddexdaas hay’adood Wasiir Canshuur warqad ayuu uqorey waxuuna ku meeleeyey Cabdi Sheekh Axmed si uu hawshan ugu sahlo Maxamed Ibraahim isagoo ka wareejiyey hawlwadeenadii wasaaradda ee shaqadaas hayay. Arinkaasi waxey caddeyneysaa in Qorshuhu yahay in hawlaha dhan laga wareejiyo wasaaradda loona wareejiyo shaqsiyaad aan xilal u heynin qaranka oo aan sharciyan lug ku lahayn hawlaha dawladda.

Arimahaas oo dhami waxey keeneen in muddo 14 bilood ah oo dheeri ah loo kordhiyo heshiiska Maamulka Domainka shirkad Australiyaan ah oo daggan Sydney oo Maxamed Ibraahim u dhiibtey maamulka Domainka.

Waxaa illaahay mahaddii ah in madaxweynaha Qaranka soo qabtay xilka Raysal Wasaaraha dalka ayna qasab tahay inuu wax ka ogyahay marxaladaha uusoo maray maamulka Sumadda Qaranka dalka.

1- Wasaaraddu ma maamusho sumadda Qaranka mana sameyso ciddii isticmaasha waxii ku yimaaddana iyadaa masuul ka noqon doonta

2- Waxaa domainka lagu gadaa Hotel Mubaarak oo waxuu noqdey alaab lagu iibiyo suuqa. Wasaarado iyo hay’ado dawladeed oo laga gaday ayaa jira.

3- Lacagihii kazoo galayay 10kaas sano iibka Domainada lama arag waxaana qiil usii bixinaya Wasiirka hadda jooga

4- In la maamulo ama lala soo wareego Domainka dalka uma baahno maalmo iyo bilo ee waxuu ubaahan yahay in saddex email passwordkooda la helo

5- Caddaaladda in la dhawro iyo sharciga oo la ilaaliyo waxay udaawo u tahay dalka iyo umadda waxeyna hormuudeysaa baaqii madaxweynaha iyo kii Raysal Wasaaraha

6- Musuqu kaliya ma ahan lacag la qaato waxaa ugu daran maroorsiga awoodda iyo ku takri falka xilka, eexda iyo leexinta hawlaha dawladda.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
Caasimada@live.com