KASHIFAAD: Hanti dhowrka Qaranka oo kashifay dakhliga soo galay DFS, amar culusna soo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska hanti-dhowrka Qaranka ayaa soo saaray amar uu ku joojiyay inuu diiwaan geliyo wax kharashaad ah oo ay dowladdu gasho kadib 10-ka bishan June 2015 oo aan ahayn wixii ku baxaya mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.

Wareegto ka soo baxday xafiiska hanti dhowrka oo uu ku saxiixnaa ku xigeenka Hanti dhowrka Cali Abuukar Axmed ayaa lagu caddeeyay kharashka u soo xerooday dowladda Federaalka, Waxaana xafiisku sheegay in dowladu ay marka hore bixiso mushaaraadka shaqaalaha dowlada.

Arrintan ayaa imaneysaa laba maalmood un kadib markii ay Caasimada Online baahisay xog ay si gaar ah u heshay oo ku saabsaneyd in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada aanay wax mushahar ah qaadan muddo afar bilood ah. Halkan ka aqri xogtii Caasimada Online iyo warka hanti-dhowrka ay isku waafaqeen.

Dakhliga soo galay DF bilaha march-may ee xafiisku faafiyay waa sida hoos ku cad:

Bishii March  waxaa la bixiyey lacag dhan       US$12,068,890.97

Bishii April    waxaa la bixiyey  lacag dhan       US $9, 569,122.98

Bishii May     waxaa la bixiyey lacag dhan          US$9,835,624.90

Isu-geynta Kharajyadda bilaha March ilaa May ee dowladdu bixisay waa  lacag dhan US$31,473,638.85 Dollar.

Xafiiska Hanti dhowrka wuxuu si cad u sheegay inuusan diiwaan gelin doonin kharashaad dowladdu galeyso iyadoo aan marka hore la bixin mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda oo xafiisku ku adkeystay in dowladu bixin karto.

Wareegtada hanti-dhowrka

wareegto muhiim ah

Tani waxay ceeb iyo fadeexad ku tahay madaxda sare ee dowladdu oo sheegay inay jirto dhaqaale darro baahsan oo keentay in muddo saddex ilaa afar bilood ah la bixin waayo mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, waxaana laga cabsi qabaa in lacagahaas dowlada u soo xerooday ay qaateen madaxda sare ee dowladda loona isticmaalay arrimo ay ka mid yihiin sahay safar, arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale lagu bixiyay siyaabo aan miisaaniyadda ku jirin.

Xafiiska Hanti dhowrka guud oo dhowaanahan aamusnaa kadib markii culeys ka soo foodsaaray madaxda sare ee dowladda ayaa tallaabadan ay tahay tii ugu horeysay in muddo ah oo wax hadal ah laga waayay, waxaana laga sugayaa inay soo bandhigaan sida kharashka dowladda u bixiso iyo hantida qaran ee soo xeroota meesha ay marto oo ay ugu danbeysay lacagtan ay soo saareen.

Caasimada Online kala soco xog-walba ka hor inta aanay warbaahinta kale shaacin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com