25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Document sir ah: Hanti dhawraha qaranka oo heshiis sharci darro ah saxiixay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho ( Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay document muujinayo Hanti Dhawraha qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo heshiis la galay waraadda maaliyadda dowlad soomaaliya, gaar ahaan waqtigii uu wasiirka ka ahaa Xuseen Xalane.

Hanti-dhowraha Guud wuxuu heshiis toos ah la galay wasaaradda maaliyada isaga oo ogolaaday in uu la taliye u noqdo wasaarad uu baaritaankeeda waajib ka saaran yahay, waxaanad ka arki kartaa heshiiskan lacagta wasaaradda maaliyadu mushaharka u siinayso oo dhan $7, 146.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen xalane ayaa ku qanciyay hanti dhowraha meeshuu baarilahaa inuu badalkeedu uu u noqodo lataliye waana (conflect of interest) hanti dhawraha baaristii qaranka waxuu ku badalay danihiisa gaarka ah

RUUX HADII LA DOORTOO DARAJADII LA SAARIYO XILKII DARYEELI WAAYAA DAB DHAXMOODAY WEEYE.

Sida sharci yaqaanada u sharaxeyn caasimadda online waxaa sharci darro ah inuu Hanti Dhawraha qaranka u shaqeeyo hey,adaha ay waajibka tahay inuu la xisaabtamo, macquulna maahan inuu si cadaalad ah u baaro hey,ad uu isagaba mushaar ka qaadanayo

Haddaba halkaan hoose ka aqriso waraaqaha muujinayo heshiiska uu la galay wasaaradda Maaliyadda, sidoo kalana waxaa ka arki kartaaa waraaqdii uu lacagta mushaarka  uga qaadanayey:

- Advertisement -

Read more

Local News