Shaki iyo kalsooni darro laga qaadi doono DF Somalia, hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa heysata kalsooni badan oo Shacabka ah, walow muddooyinkii ugu dambeeyay ay sii yaraaneysay kalsoonida lagu qabay madaxweynaha, sida qaarkood shacabka ay nala wadaageen.

Kulamo kala duwan oo dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya, Ra”isul wasaaraha, afhayeenka baarlamaanka iyo safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa dhaliyay shaki badan.

Shakiga ayaa yimid markii uu qaboobay mooshinkii dhawaan laga diyaariyay saldhiga Imaaraatka carabta ay ka dhisayaan magaalada Berbera ee deegaanada SOmaliland, taasi oo xiisad baarlamaanka ka dhex abuurtay.

Kulamo gaar gaar ah oo dhex maray madaxda dowladda Soomaaliya iyo safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa dhaliyay shaki badan, maadaama kulamadaasi kadib uu yaraaday doodii la xiriirtay mooshinka imaaraatka ka dhanka ahaa.

Sidoo kale shakiga ayaa sii kordhay markii madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu tagay dalka Imaaraatka Carabta halkaasi oo uu maalmo ku maqnaa, waxaana uu Muqdisho soo gaaray iyadoo aan laga wada warheyn.

Haddii Arinta mooshinka halkaasi looga haro ayaa waxaa sii kordhaya shakiga laga qabo dowladda Soomaaliya, waxaana ay dowladda ku weyn kartaa kalsoonida iyo taageerada Shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com