Maxaa u sabab ah dib u dhaca ku yimid Shirkii Ahlu sunna iyo Galmudug (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) Khamiistii lasoo dhaafay waxaa la filayay in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir lagu dhex dhexaadinayo maamulka Galmudug iyo xubno ka tirsan maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

Shirkaasi ayaa waxaa uu ka qabsoomi waayay dhinaca xubnaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe, kuwaasi oo aan imaan magaalada Muqdisho waqtigii horey loo qorsheeyay si shirka uu u furmo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo xubno kale ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna diyaar u yihiin ka qeyb galka shirka lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac si dorashada Galmudug ay u noqoto mid loo wada dhan yahay.

Waxyaabaha kale ee dib u dhigay shirka ayaa waxaa ugu weynaa in Ahlu sunna ay isku khilaafsaneyd sida looga qeyb galayo shirkaasi iyo cidda u mataleysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda dadaal dheeraad ah u gashay sidii labada dhinac loogu qalqaalin lahaa ka qeyb galka shirka maamulka Ahlu sunna iyo Galmudug, waxaana dhamaadka bishaan la filayaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Waxaa maanta la filayaa in xubnaha Ahlu sunna shirkaasi kaga qeyb galaya inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, waxaana  la sugayaa xubnahaasi.

Ururka Ahlusunna ayaa maalimihii lasoo dhaafay ka biyadiidana wadahadalada laakiin hadda waxaa muuqata in ay qaateen ka qeyb galka wadahadalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com