R/wasaare Kheyre “Uma dulqaadaneyno waxyaabaha ka dhacaya magalaada Muqdisho)

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay xaaladaha amaan iyo dhacdooyinkii Qaraxyada ee Muddooyinkaan kusoo laalaabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu sheegay inaysan u dulqaadan karin dhacdooyinka qaraxyada ah ee kuso laalaabtay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay diyaarinayaan qorshe amaan oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho.

Qorshaha Amni xaqiijinta ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyee ay qeyb ku leeyihiin, sidoo kalana maamulka cusub ee gobolka Banaadir looga fadhiyo inay ka qeyb qaataan amniga magaalada muqdisho iyo sida loo xaqiijin lahaa.

Amaanka magaalada Muqdisho ayuu ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah oo shacabka magaalada la doonayo inay amaan wanaagsan oo la isku haleyn karo ay ku noolaadaan, sida uu sheegay.

Dhinaca kale wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay ka isku gurmadaan oo aysan eegan dadka tabaaleysan ee ku sugan gobolada kala duwan ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com