Xog cusub: Qorshaha 30-ka sano ee socda Imaaraatka ka leeyahay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka Soomaaliyeed ayaa sanadkaan aad uga waca dheregsan kuna baraarugay qorshaha Imaaraatka carabta uu ka leeyahay dalka Soomaaliya gaar ahaan dekadaha ku yaala Soomaaliya.

Siyaasi Jaamac Xasan Khaliif oo si weyn uga faalooda arimaha Soomaaliya horeyna usoo noqday musharax madaxweyne ayaa ka hadlay qorshaha 30-ka sano ee soo socda Imaaraatka Carabta uu ka leeyahay dekadaha Soomaaliya.

Siyaasi Jaamac, wuxuu sheegay im Imaaraatka uu yahay Cadow Soomaaliyeed oo uusan fulineyn qorshaha iyo horumarinta dalka Soomaaliya, sida uu sheegayna uu doonayo inuu hor istaago horumar ay sameeyaan dekedaha Soomaaliya.

Wuxuu si cad u sheegay in imaaraatka uu damacsan yahay in soddonka sano ee soo socdo wax horumar ah ineysan sameyn dekedaha Soomaaliya, maadaama haddii ay horumaraan dekadaha Soomaaliya caalamka uu dhan uu kusoo xirmayo.

“Imaaraatka waa cadow Soomaaliyeed, fiiri wuxuu doonayaa in soddonka sano ee soo socdo aysan horumarin dekadaha Soomaaliya, oo wuxuu doonayaa in 30-kaa sano Soomaalida isaga kaliya gacmaha u taagtaan shilimaadka yar ee laga helayo”.

“Haddii horumar Soomaaliya ay sameyso waxaa xirmayo Suuqa Dubai sababtoo ah meesha aanu ku naal iyo sida aan caalamka sida tooska ah ula macaamiili karno, marka Imaaraatka ma doonayo in suuqaasi uu ka xermaa, sidaasi daraadeed waa in horumar aysan sameyn Soomaaliya si DUbai aysan u xirmin”ayuu hadalkiisa ku daray Jaamac.

Arintaan ayuu sheegay inay saameyn fog ku yeelan doonto Horumarka dekadaha Soomaaliya, maadaama Imaaraatka uu doonayo inuu cuuryaamiyo kana hortago dhaqdhaqaaq xor ah oo Soomaalida ay sameyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com