Dokumenti ay baahisay CIA oo shaaca ka qaaday Ethiopia iyo qorshihii jiritaanka Soomaaliya

Waa qoraal CIA ay qortay 4 Maajo 1960-kii oo faahfaahinaya sida ay Itoobiya uga dagaalantay, ugana soo horjeedday midnimadii Koonfur iyo Waqooyi ee 1960. Waxay ku eedaysay Ingiriis iyo Talyaani in ay qorshahaasi ka dambeeyeen si ay u sii joogaan Bariga Afrika ayadoo inkirsan rabitaanka Somaaliweyn.

Luulyo 1, 1960 waa maalin ku weyn quluubta Soomaalida. Waa maalin laga madax bannaanaaday gumeysiga, sidoo kale ay xaqiiq dhab ah noqotay qeyb ka mid himilada mideynta Soomaaliweyn, waxaa midoobay laba gobol, halka saddexda kale ay riyo yihiin illaa iyo maanta. Maalintaas waa maalin heeso, mashxarado, farxad, salaamo iyo hambalyo la is dhaafsado. Itoobiya maxay ka aaminsanayd maalintaas?

Dad baa ka xajiimooda marka la yiraahdo dalka Itoobiya waa cadaw soo jireen ah.

Qoraalkaan oo ay qortay CIA laba billood ka hor xuriyaddii iyo midnimmadii Koonfur iyo Waqooyi, wuxuu ka hadlayaa xaalka deegaanada kala duwan ee geyiga Soomaaliyeed; dareenka Soomaaliyeed iyo welwelka Itoobiya ay ka qabto xurnimada Soomaalida gaari doonto iyo tallaabooyin ay waddaniyiinta Soomaaliyeed qaadi doonnaan xurriyadda kaddib si himilada Soomaaliweyn ay u xaqiijiyaan:

1- Baarlamaanka Koonfur oo dadaal ugu jira sidii afti midnimo Soomaali weyn oo UN-ka hoggaamiyo looga qaadi lahaa dhammaan dhulka Soomaaliya.
2- Waqooyi oo u heelan xurriyaddooda maalmo ka hor Luulyo, ayagoo hoggaamiyayaashoodu ay booqdeen koonfur kuna heshiiyay in ay midoobaan 1 Luulyo.
3- Itoobiya oo ka baqaysa Muslimiin xooggan oo la deris ah, iyo in Ogaden laga rito, waxay hammiga midnimada kula jirtaa dagaal xoog leh.
4- Itoobiya waxay cambaaraysay midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayadoo ku eedaysay Ingiriiska iyo Talyaaniga in ay qorshahaasi ka dambeeyaan si ay u sii joogaan Bariga Afrika, ayadoo inkirsan in Soomaalida ay sidaasi go’aansadeen.

Qoraalka qeybka dambe wuxuu saadaaliyay in gaajada iyo dhaqaala darada Soomaaliya ka jirtay xilligaas dartiis, ay is khilaafi doonnaan Talyaaniga, Ingiriiska iyo Maraykanka oo isku dhinac ah iyo Soomaalida, taas oo marka dambe keenni doonta in Carab iyo Shuuciyiinta ay saameyn xoog leh ku yeelan doonnaan Soomaaliya. Waa dhacday, Soomaaliya waxay ku biirtay ugu dambeyn Jaamacadda Carabta, waxayna xiriir la yeelatay midowgii Soviet, Hantiwadaagna waan qaadannay.

Dowladda aan walaalaha iyo deriska nahay!

W/Q: Hassan Adam Hosow