Sacuudiga oo la saftay Yahuuda, una sheegay Falastiiniyiinta inay ka tanaasulaan Qudus

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa Falastiiniyiinta ku war gelisay in ay ka tanasulaan in ay Caasimaddooda Mustaqbalka Noqoto Bariga Magaalada Quddus ee ay Yuhuuddo xoogga ku heysato.

Kulan dhexmaray Bishii la soo dhaafay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabas iyo dhaxal sugaha dowladda Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ayuu Cabaas u sheegay in uu muddo labo bilood ah kaga soo jawaabo soo jeedintiisa Caasimadda Mustaqbalka Falastiin.

Dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in Caasimadda Falastiin ee Mustaqbalka tahay Tuulada Abu Diis ee Bariga Quddus dhacda.

Qorshaha Maxamed Bin Salmaan ayaa la sheegay inuu ahaa qorshaha nabadda bariga dhexe ee Mareykaka uu soo diyaariyey, looa dhiibay dhaxal-sugaha, si uu uga dhaadhiciyo Falastiiniyiinta.

Hindisaha Sucuudiga oo uu ku sheegay xalka Israel iyo Falastiin ma damaanad qaadayo in Falastiiniyiinta ku maqan dibadda ee qaxootiga ah ku laabanayaan Falastiin, sidoo kale dhismayaash sharci darrada ah ee Israel ka sameysay gudaha daanta Galbeed iyo marinka Gaza ayaa sidooda sii ahaan doona.

Wargeyska Newyork Times ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabaas ay ku adkaatay qaadashada go’aankaas, iyada oo muddada loo qabtayna ku ektahay Bishan December dhamaadkeeda.

Sidoo kale Dowladda Jordan ayaa dowladaha Sucuudiga iyo Masar ku eedeeyay in go’aanka Trump ee Quddus iyaga laga talo geliyay waxbadanna ka ogyihiin.

Warbixinta New York Times halkan ka aqri

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com