Ixtifaalka mowliidka oo lagu qabtay magalada Ludvika, Sweden + Sawirro

Waxaa shalay magaalada Ludvika ee dalka Sweden lagu qabtay ixtifaalkii mawliidka Nebbigeena Muhammad scw.  Xafladaani oo ay ka soo qeybgaleena culummo waa weyn oo ka kala yimaaday gobolladda Sweden, ayaa waxaa soo buux dhaafshay hoolka masjidka muslimiin fara badan oo isugu, dhalinyarada, caruur, ragg iyo dumarba.

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xafladaani dadweyne fara badan oo kala yimid magaalooyinka ku teetsan Ludvika.

Culumadda ka soo qeybgashay xafladaani waxaa ka mid ah,  Sheikh Yaxye oo ka yimid xarunta Daro Fatwa ee magalaadada Malmö, Macalin Mahamuud Macalin oo ka yimid magaalada Örebro, Sheikh Abdixakiin Mire, Sheikh Abubakar Ibrahim iyo Sheikh Mohamed Isxaaq oo kala yimid magalooyinka Köping iyo Borlänge.

Waxaa xafladaani si wada jira ah usoo qaban qaabiyey bulsho weynta Soomaaliyeed ee Ludvika iyo Smedjebacken oo aadna ugu Mahadsan, sida weyn ay uga soo qeybqaataan, ayaa waxaa ku soo afmeeray Sheikh Yasin Abdi oo ka mid ahaa Guddiga Mowlidka ee Ludvika.

Waa markii ugu horeysay ee magalada Ludvika lagu qabto Mawliidka Nabbiga scw tan iyo markii ay ku soo haajireen muhaajiriin fara badan.