Xog-warran: Sooyaalka Somaliland

Hargeisa waa caasimada Somaliland tan iyo markii ay iskeed ugu dhawaaqday in ay ka goday Jamhuuriyada Soomaliya ,wallow aysan helin wax ictiraaf ah hadana Somaliland waxa ay sameysatay nidaam maamul oo u gaar ah.

Burco 1991 waxaa isugu yimid ergo ka kala timid beelaha Somaliland waxeyna doorteen madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland waxaana loo doortay cabdiraxman tuur oo ahaa gudoomiyihii jabhada SNM in uu mudo laba sano ah hayo xilka una diyaariyo doorasho reer Somaliland.
Burco waxaa ka dhacay 1992- dagaal u dhexeeya beelaha dhexdooda kaasoo ku fiday deegaamada kale ee Somaliland.
1993- waxaa ergo reer Somaliland ah ay doorasho ka dhacday Boorame ugu doorteen madaxweynaha Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal.
Somaliland 1994 waxaa ka bilowday dagaal aad u qaraar kaasoo loogu magac daray dagaalkii mashruuca wuxuuna ka bilowday Hargeisa airport isagoo ku fiday deegaanada kale ee Somaliland sida burco .
1997-Waxaa mar labaad ergo reer Somaliland ah ay madaxweyne ugu doorteen Cigaal mudo xileed labaad in uu sii hayo xilka madaxweynenimo.
Geeridii Ciyaal ka dib 2002 waxaa loo dhaariyay madaxweynaha Somaliland mudana Daahir Rayaale oo ahaa madaxweyne ku xigeen in uu ahaado madaxweynaha inta laga gaarayo mudada ka hartay doorashada.
Somaliland waxaa ka dhacay doorashadii dadweyne markii ugu horeysay 2003 waxaana marlabaad dib loo doortay Daahir Rayaale, inkastoo natiijadii doorashada buuq badan ka dhashay hadana waa laga heshiiyay.
2010-waxaa Somaliland ka dhacay marlabaad doorshasho dadweyne oo toos ah waxaana ku guuleystay madaxweyne Axmed Maxamad Siilaanyo.
2017-Somaliland waxaa ka dhacay doorasho madaxweyne oo si toos ah ay mar sedaxaad shacabka codkooda u dhiibteen, waxaana ku tartamay sedaxda musharax ee kala ah Muuse Biixi, Cabdiraxman ciro iyo Feysal cali warabe, waxaana ku soo baxay Muuse Biixi oo noqday madaxweynaha Somaliland, wallow natiijadii ay aqbaleen labadii musharax ee laga guuleystay hadana waxa ay sheegeen in doorashada uu ku jiray mad madow badan sida ay sheegeen musharixiintii laga guuleystay, sida feysal oo sheegay in doorashadii la qabyaaladeeyay halka cabdiraxman ciro uu sheegay in doorashadii lagu shubtay.
Somaliland waxa ay in mudo ah la daalaadhaceysay marxalado kala duwan haba u horeyso waqti dhaafka madaxda la doorto iyagoon doorashada ku qaban waqtigii loogu talo galay.
Madaxweynaha cusub ee la doortay wax yaabaha horyaal waxaa ka mid ah sooyaalka fadhi ee aan isbedelka laheyn dhaxal mooyaane ee golaha guurtida sida uu ka yeeli lahaa , iyo qabashada mudooyinka loo asteeyo in ay qabsoomaan doorashooyinka golayaasha Somaliland sida wakiilada iyo madaxtooyada.
Qore. Salaad Daameey
Email. daameey@hotmail.com