Intee ayey la’ eg tahay rajada uu Gaas ka qabo dhaqan galinta natiijada shirarkii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa ka hadlay shirkii amniga Qaranka Somalia, kan beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in shirarkaas kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, iyadoo ay dowlada Somalia ku gaartay guulihii ay hiigsan laheyd.

Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay in shirka amniga Qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladnimada Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay in shirkani lagu dhisi doono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, kana qaybqaata amniga iyo xasilinta dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiweli Gaas, ayaa xusay in 2,400 oo cidanka maamulka Puntland ahi ay qayb ka noqon doonaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee hadda layagleelayo isku dhafkiisa.

Cabdiweli Gaas, ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen Qaranka Soomaaliyeed.

Waxa uu carab dhabay inay badan tahay rajada uu ka qabo in la dhaqan galiyo Heshiiska lagu gaaray shirarka soo dhammaaday, haddii aanu dhici doonin baalmarka waxa lagu heshiiyay.

Docda kale, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia laga doonaayo inay dhaqan galiso dhammaan waxyaabaha kasoo baxay shirka si horay looga sii socdo hadlka iminka la taagan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com