Jaamacada Carabta oo mowqif cad ka istaagtay go’aanka Trump ee Qudus

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habbeenimadii xalay magaalada Qahira ee dalka Masar ka dhacay shirka Wasiirradda Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa waxaa ku dhamaa Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacada Carabta waxaana diirada lagu saaray go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Trump Qudus ugu gacan galiyay Israel.

Wasiiradu waxa ay sheegen inaan la aqbali karin in Israel ay caasimada u noqoto magaalada Qudus, waxa ayna Trump ku eedeeyen inuu ka shaqeynaayo colaado dhexmara dunida muslimka iyo wadamada kale ee aan islaamka aheyn.

Waxa ay Wasiiradu tilmaamen in Trump uu inta badan wakhtigiisa ku bixiyay abuurista Jawi colaadeed oo dhexmara dunida muslimka iyo kuwa heysta diimaha kale, waxa ayna ku baaqeen in si wada jira loo qaado talaabooyin aan ka ganbasho laheyn.

Wasiiradu waxa ay sheegen in ay soo saari doonaan go’aan mid ah oo ay kaga jawaabayaan hadalkii Trump ee Qudus oo lagu sifeeyay mid islaam naceyb ah.

Gebran Bassil, oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan ayaa sidoo kale shirka ka sheegay in dowladaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus.

Gebran Bassil, waxa uu soo jeediyay inaan lagu kala jabin go’aan ka qaadashada qadiyada Trump ee Qudus waxa uuna arrin aad u fool xun ku tilmaamay in laga aamuso Qudus oo hortaal dalalka muslimka ah.

Geesta kale, Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka.

Dowladaha carabta ayaa aad uga careysan go’aanka Trump ee Qudus waxaana arrin aad looga naxo lagu sheegay haddii ay dhacdo in dalalka khaliijka ay siyaasadeeyan Qudus.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com