Aqriso: warqaddii uu Cali Cabdalla Saalax qoray maalin ka hor dhimashadiisii

Sanca (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Carabiya ayaa baahisay Warqad Gacan qoraal ah oo uu qoray Cali Cabdallah Saalax maalin ka hor inta uusan ku dhiman dagaalkii uu kula jiray Xuutiyiinta Dalka Yemen.

Warqaddan ayuu Cali Cabdallah Saalax qoray 3dii December 2017 oo ku beegan maalin ka hor dhimashadiisii oo ahayd 4tii December 2017.

Waxaa uu baaq u dirayaa dadka Yemen isaga oo u sheegaya in Xuutiyiinta ay yihiin Malleeshiyo aan meel wanaagsan geyneyn Jamhuuriyadda Yemen.

Waxaana ay u qorneyd sidan:

“Haddii aad aragto Warqaddan, waa inaad ogaataa in dalkeenna yahay mid qiimo leh, mana oggolaaneyno in uu noqdo qasnadda qolo gaar ah”.

“Filashadeydu waxaa ay la jirtaa Carruurteyda, iyo Dadkeyga, waana in aysan isu dhiibin Malleeshiyada Dambiilayasha ah (Xuutiyiinta), sidoo kalena aysan Jamhuuriyadda Yemen ku wareejin Xuutiyiintan, waxaana idinka rajeynayaa in aad hurdada u diiddaan iyaga”.

“xilligan waxaan u arkaa nafteyda in ay ka mid tahay kuwa Yemen ku iibiyay qiimo hoose oo aysan u qalmin, waan idin salaamayaa Dadka wanaagsan ee Yemen, waxaana inoo ballan ah Jannada”.