Maxaa hortaagan fulinta xukunka ku dhacay askarigii dilay wasiir Siraaji?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muran xoogan uu weli ka taagan yahay xukunka dilka ah ee lagu fulin lahaa dablihii dilay allaha unaxariiste Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, oo la dilay xili uu maraayay afafka hore ee Xarunta Villa Somalia.

Askariga dablaha ah ee geystay dilka Wasiirka oo dhowr jeer uu ku dhacay xukun dil ah, ayaa waxaa xukunkaas loo fulin la’ yahay muran ka taagan kiiska dilkiisa.

Warqada lagu toogan lahaa Askarigaas oo lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi Cabdi Caydiid, ayaa hortaal Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, hase ahaatee weli ma uusan saxiixin, iyadoo aan la ogeyn sababta.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo riday Xukunka ayaa ilaa Seddex jeer Madaxweynaha ka dalbatay saxiixa warqada lagu fulin lahaa dilka.

Saxiixa Madaxweynaha ugu sareeya dalka ayaa lagu fuliyaa kiisaska dilalka ay fulineyso Maxkamada Sare ee dalka, waxaana iminka muuqaneysa in saxiixa Madaxweynaha uu hakat ugu jiro caqabado jira oo aan weli la shaacin.

Ilo ku dhow dhow qoyska askariga lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi Cabdi Caydiid, ayaa xaqiijiyay in weli ay wadahadal kula jiraan qoyska uu kasoo jeedo Marxuum Siraaji oo iyaguna muddo dhowr jeer ah dalbaday in loo toogto dilaa Ceydiid.

Sidoo kale, sababta loo dib dhigaayo fulinta xukunka dhacay waxaa qeyla dhaan ka muujiyay Xildhibaanada Beesha uu kasoo jeeday Wasiirka oo muddo laba Asbuuc laga joogo ka hor DFS ku dhaliilay fulin la’aanta xukunka ku dhacay dilaa Caydiid oo arrintiisa ay noqotay mid aad loo hadal hayo.

Xildhibaanada waxa ay DFS ugu baaqen inay waddo u bixiyaan kiiskooda ay ku doonayaan in loogu xukumo dablaha ka danbeeyay dilka Wasiir Siraaji oo noqonaaya mid taariikhi ah oo lagu soo dhaweeyay dowlada Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, kiiskan ayaa waxaa kasoo baxaaya warar kala duwan waxaana jira macluumaad sheegaya in caqabad lama gudbaan ah ay noqdeen beesha uu kasoo jeedo askariga uu xukunka ku dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com