R/W Xasan Kheyre iyo ku tumashada dastuurka (Qodobo caddeyn ah)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuu si sharci darro ah u magacaabay guddi dib-u-habeyn iyo shaqaaleyn cusub ku sameeynaya  Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. R a’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu guddigaas ka dhex sameeyey Golihiisa Wasiirada iyo Xafiiskiisa, taas oo ka baxsan Dastuurka, sharciga iyo nidaamka shaqaalaha rayidka lagu maamulo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu soo saaray go’aan sharci darro ah 14kii Oktoober 2017,  go’aankaas oo uu ku abuuray labo guddi oo ujeedadoodu tahay iney soo xulaan si ka baxsan sharciga saaxiibo siyaasadeed oo lagu badalayo Agaasimayaasha Guud oo hadda shaqeeya.  Xubno ka tirsan Guddiga Shaqaalaha Rayidka waxay sheegeen in sharci darro uu yahay filicka Ra’iisul Wasaaraha kana hor imaanayo Dastuurka, Sharciyada iyo Nidaamyada dawladda loona baahan yahay in Guddiyada Baarlamaanka ay khuseyso iyo Maxkamadaha dalku wax ka qabtaan.

Qeyb ka mid ah Go’aanka Golaha Wasiirada  –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga dib-u-habeynta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare k/xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxana ay isugu jiraan shan (5) Wasiir iyo shan (5) xubnood oo ka imaanaya ururada bulshada rayidka ah.

Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ee kor ku xusani wuxuu ka hor imaanayaa Dastuurka, Sharciga iyo Nidaamka Dawliga.   Sarkaal dawladda ayaa noo xaqiijiyey in la xayaysiiyey jagooyinkii Agaasimayaasha Guud ayadoo aan la magacaabin xubnaha ka imaanaya ururada bulshada rayidka ah sida ku cad Go’aanka Golaha Wasiirada ama guddi farsamo in kastoo labaduba sharci darro yihiin, lana ogeyn cidda shaqada wadda iyo sharciga ay ku saleysan yihiin.

QODOBKA 13AAD – SHARCIGA SHAQAALAHA RAYIDKA, IMTIXAANAADKA IYO QORISTA SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA.

Imtixaan kasta ama shaqosiin kasta oo ku saabsan shaqaale loo qorayo Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda, waxaa maamulaya Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ah.

WAXAA QODOBKAN KU CAD IN XAFIISKA KALIYA OO SI SHARCI AH SHAQAALE DAWLADEED U QORI KARA UU YAHAY GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA.

QODOBKA 16AAD – SHARCIGA SHAQAALAHA RAYIDKA, ANSIXINTA QORITAANKA SHAQAALAHA.

(1)       Qoridda Shaqaalaha Dawladda ee Darajooyinka (A) iyo (AY) waxay ku ansaxeysaa ama ku dhaqan galaysaa Xeer uu soo saaro Madaxweynuha Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib marka uu helo Go’aanka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka

WAXAA KU CAD QODOBKAN IN GO’AANKA SHAQO QORIDDA UU LEEYAHAY GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA, MADAXWEYNUHUNA UU KU LEEYAHAY ANSIXIN SHAQAALAHA (A) IYO (AY).

QODOBKA 7AAD – SHARCIGA SHAQAALAHA RAYIDKA, WEYDIIN QORIS SHAQAALE

  1. Hay’adaha Dowladdu marka ay u baahdaan shaqaale, waxay waydiisanayaan Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda ayagoo dalabkooda nuqul ka siinaaya Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha
  2. Guudigu wuxuu jiritaanka baahida shaqaale ee loo soo bandhigay kala tashanayaa Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha, wuxuuna sida ugu dhaqsaha badan ugu dhaqaaqayaa labadaan talaabo midkood:
  3. b) wuxuu hay’adda dalabka u soo gudbisay u dirayaa tartamayaal shuruudaha shaqaalaha la doonayo leh oo horay imtixaan uga soo gudbay liiska kaydkana ugu soo jiray muddo aan ka badnayn laba bilood
  4. t) Wuxuu dalabka shaqaale iyo shuruudaha looga baahan yahayba ku faafinaysaa wargeysyada, raadiyayaasha iyo website-yada
  5. Qoridda Shaqaalaha waxay noqonaysaa tartan furan oo loo siman yahay
  6. Shaqaalaha qoriddooda waxaa loo raacayaa habka shaqo-qorista shaqaalaha ee sharcigani tilmaamayo iyo wixii habraac kale ah ee uu Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladdu u dajiyo.

Hadaba, waa maxay xilka iyo awoodda Ra’iisul Wasaaraha ee Dastuuriga ah:

QODOBKA 100AAD – XILKA IYO AWOODDA RA’IISUL-WASAARAHA

Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:

(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;

(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;

(c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.

(d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa.

XUQUUDDA SHAQAALAHA EE DASTUURKA KU QEEXAN:

QODOBKA 116AAD – ILAALINTA XUQUUQDA SHAQAALAHA DAWLADDA EE RAYIDKA AH

Shaqaalaha rayidka ah lagulama kici karo:

(a) Bahdilid waajibaadkooda shaqo ay gudanayaan awgood.

(b) Laguma sameyn karo xilkaqaadid, lagama wareejin karo xafiiska, darajadooda hoos looma dhihi karo, inay jirto sabab maangal ah oo sharci ku dhisan.

Ugu dambeyn, waxaa kaloo xusid mudan in xubno badan oo ka mid ah Agaasimayaasha Guud oo shaqada laga qaaday in ay ku magacaaban yihiin Dikereto Madaxweyne, saa daraadeedna uusan shaqada ka qaadi karin Ra’iisul Wasaaruhu.

W/Q: Cabdi Macallin Xasan
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid